Daawo Sawirada:- Nin Diinta Islaamka u gafay oo si xun loogu dilay Bangaladhesh iyo Sheikh Hasina oo ka hadashay

Bulsha:- Nin wax ku qori jiray baraha Intermetka oo u dhashay Dalka Bangaladeh ayaa kooxo baangado ku hubeesan waxa ay ku dileen gudaha dalkaasi, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu u gafay diinta Islaamka.

Kooxo baangado iyo midiyo watay ayaa gurigisa ku weeraray ninkan wax ku qorijiray baraha Internetka, waxa ayna si xun ugu dhax dileen gurigiisa iyagoona markii ay dilka u geesteen kadib goobtaasi ka baxsaday.

Ninkan la dilay ayaa noqonaya kii afarraad oo wax ku qora baraha Internetka oo dil qorsheesan oo loogu geesto gudaha Dalka Bangaladhesh,waxaana dilkaasi si kulul u canbaareesay Rai’sal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina.

R/Wasaaraha waxa ay sheegtay in aan loo dulqaadan karin dilalka nuucaan oo kala ah, waxa ayna ku baaqday in lasoo xiro oo sharciga la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilka loo geestay ninkan wax ku qri jiray baraha Internetka.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment