Daawo:- Salman Khan Oo Ku Luqeeyay Heesta Magaca Filimka Hero Kuna

Bulsha:-  Salman Bhai ayaa sii wadi doono fanaanimada uu dhawaan bilaabay wuxuuna xidigan haatan si rasmi ah u duubay heesta magaca filimka Hero.

Filimka Hero waxaa wada jilayaan labada fanka ku cusub Sooraj Pancholi iyo Athiya Shetty wuxuuna Salman dadaal ugu jiraa labadan dhalin inuu siweyn u garab qabto.

Kadib markii goos gooska filimka Hero siweyn dadka uga heleen haatan Salman ayaa ku rajo weyn heesta magaca filimkan ee uu isaga ku luqeenayo inay dad badan soo jiidan doonto.

Salman Bhai sanadkii hore heestii ‘Hangover’ ee filimka Kick ku jirtay ayuu ku luqeeyay waxayna noqotay hees caan ah oo siweyn u gadmatay.

Sidaa darteed markale codkiisa macaan wuxuu kusoo bandhigi doonaa heesta Hero muqaalka waa Sooraj iyo Athiya Shetty.

Filimka Hero waxaa daafaha caalamka laga daawan doonaa 11 bisha September ee nagu soo fool leh wuxuuna Salman Khan filimkan ka yahay qarash gareeye.


Hoos ka daawo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment