Daawo:- Dadkii Dilka Laga Soo Badbaadiyey (Warbixin)

Bulsha:- Ciidamada dalka Nigeria ayaa waxa ay sheegayaan inay soo badbaadiyeen ugu yaraan 100 qof oo badankoodu ay dumar iyo caruur yihiin kuwaas oo gacanta ugu jiray ururka Boko Xaraam.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayey ciidamada ku sheegeen in xarumo ay Boko Xaraam ku leeyihiin meel u dhow magaalada Maiduguri la burburiyay.

Afhayeen u hadlay ciidamada Nigeria waxa uu sheegay inay taliye kooxdaasi ka tirsan ay howgalkaasi ku soo qabteen.

Laakiin ciidamada kameysan hadlin xilliga uu howlgalkaasi dhacay.

Dhanka kale, madaxweynaha Niger, Mahamadou Issoufou, ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee gobolkaasi ee dhowaantan la dhisay ay awood u leeyihiin ciribtirka Boko Xaraam.

Hadal uu TV ka jeediyay ayuu ku sheegay in qorshaha daadgureynta ciidankaasi oo ku dhow 9 kun oo askeri si wanaagsan loo diyaariyay.

Dagaalka Boko Xaraam ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen kumannaan qof tan iyo 2009kii.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment