Ciidamada Nigeria oo dad badan ka soo xureeyey Boko Xaram

Bulsha:- Militariga Nigeria oo weeraro ku qaaday dhawr xero oo ay degenayeen maleeshiyaadka Boko Xaram ayaa sheegay inay xoreeyeen dad gaaraya 178 qof oo ay afduub ku heysteen kooxdaasi xagjirka ah.

Dadka laga soo sii-daayey gacanta Boko Xaram ayaa la sheegay inay ku jireen 101 caruur ah, 67 haween ah iyo 10 nin.

Hawlgalkan ayaa Axadii shalay ka dhacay waqooyiga gobalka Borno ee saaran waqooyig-bari dalkaasi Nigeria.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayey dagaalo ka socdeen gobalka Borno waxaana la sheegay in ciidamada ay dagaaladaasi u adeegsadeen diyaaradaha dagaalka.

Dowlada Cusub ee Nigeria ayaa dardargelisay dagaalka lagula jiro kooxda Boko Xaram oo muddo dheer wadankaasi ka waday weeraro Ismiidaamin ah iyo weeraro joogto ah oo ay kooxdaasi ku qaado deegaanada ku yaal waqooyiga Nigeria oo ay sheegeen inay doonayaan inay ka sameeyaan maamul islaami ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment