Baaq Lo Diray PKK Kadib Markii Ay Ku Dhawaadeen Gobaha Ay Jogaan,,,

Bulsha:- Maamul goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa waxa ay ku baaqayaan in kooxda kurdhishka ee PKK ay ciidamadooda iyo xarumahooda ka fogeeyaan meelaha dadka rayidka ay deggan yihiin si shacabka aysan dhibaato u soo gaarin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulkaasi, Mustapha Falah, ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeymaha Turkiga, wuxuuna tilmaamay in shacab ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen duqeymaha gudaha Ciraaq laga geystay.

Laakiin afhayeen u hadlay PKK, oo lagu magacaabo, Zagros Hiwa, waxa uu BBC-da u sheegay in madaxweynaha Kurdiyiinta Ciraaq Massoud Barzani uu ogyahay, asigana uu fasaxay duqeymaha uu Turkiga ku hayo malleeshiyadooda.

Dowladda Kurdhiyiinta ee Ciraaq way beenisay arrintan. Waxa ay sheegeen in madaxweynaha lagu wargeliyay kaddib markii duqeynta ay dhacday.

Dowladda Turkiga ayaa weeraro dhanka hawada ah ku qaaday PKK, kaddib markii ay ku eedeysay inay halis ku yihiin Turkiga. Waxa uu sidoo kale weerarayaa Daacishta Suuriya.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment