Arimahaan Ma ogid Balse Waa xaqiiq aad u baahan tahay

Bulsha:- Bani aadamku waxa uu leeyahay 5 dareen oo kula macaamilo bayadda ama guud ahaan noloshiisa uu isticmaalo dhamaantood ama inta uu ka haysto.

Indhuhu waxa ay ka mid yihiin dareemayaashaas shanta ah, laga yaabee in ay soo galaan kaalmaha hore marka laga hadlayo sida ay qofka ugu kala muhiimsanyihiin.

Waxaa jira xaqiiqooyin badan oo la xiriira indhaha, laakin waxaan soo qaadanaynaa 8 kamid ah xaqiiqooyinkaas.

Xaqiiqooyinkaan ayaan idiin soo gudbin doonnaa laga yaabee in aanad horay u ogayne:

Dhamaan qof waliba oo nool waxa uu u baahnaan doonaa ookiyaalo si uu ugu isticmaalo wax aqriska.

Aragtida ishu waxa ay ka dhaqsi badantahay aragtida kaamirada.
Koritaanka isha waxa uu ku buuxsamaa da’da 7 sano.

Ishu waxa ay libirsataa ama libiqsataa ama laysku qabtaa ku dhawaad 15 kun oo jeer maalintii.

Qof waliba marka ay da’diisu waynaato waxaa soo wajahaya biyaha ku furma indhaha.

Cudurka macaanka ama sokorta meelaha laga baaro waxaa kamid ah indhaha.
Ogow waxaad wax ku aragtaa qalbigaaga indhuhu kaliya macluumaadka ayay soo uruuriyaan.

Indhuhu waxa ay ilmeeyaan marka ay qalalaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment