XOG:Putland oo soo bandhigtay heshiis qarsoodi ah ay gaareen DF Somalia iyo Gal-Mudug

Bulsha:- Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Dawladda Puntland ayaa heshay warqad Sir ah oo cadaynaysa heshiis ay wada galeen Dawlada Federaalka Soomaaliya,Galmudug iyo Shirkad Shidaal,waxaana Dawlada Federaalka ay Shirkadda Shidaalka u saxiixday inay baarto Dhul ka tirsan Puntland,kaasi oo ay Dawlada Federaalka ka dhigtay inuu ka tirsan yahay Galmudug.

Dhulka ay Dawlada Federaalka u saxiixday Shirkadda Ajnabiga ah ayaa ah dhul ka tirsan Gobolka Mudug,taasi oo ah arrin aan sinaba loo aqbali karin oo ay aad ula yaabeen Ummadda reer Puntland sida ay sheegtay Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Dawladda Puntland.

Dawlada Federaalka ayaa fara gelinta ay ku haysay dhulka Puntland ku dartay inay Shirkaddo Ajnabi ah u saxiixdo inay baaraan dhul ay leeyihiin Ummadda reer Puntland.

Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Dawladda Puntland ayaa Warxaafadeedka kaso saartay Qar iska xoornimadan,wuxuuna u qornaa sidan;-

Heshiiskaas oo Dawaladda Federalka Somaliya  ay taageero buuxda siisay, wuxuu kasoo horjeeda shuruucda asaasiga ah, Dastuurka kumeel gaarka ee Jamhuriyada Federalka Somaliyeed iyo Dawladnimadda Puntland.

Taageraddaan qaawan ee Dawaladda Federalka Somaliyeed iyo Wasaaradda Macadanta iyo Shidaalka ee Muqdisho u fidisay heshiiskan, waxaa ay markhaati ka tahay, hagardaamda iyo laba wejiileynta Dawaladda Federalka Somaliyeed. Dawaladda FederalkaSomaliyeed waxaa ay si aan qarsoonayn uga hortimaadaa mashaariicda baarista shidaalka iyo macadanta ee Dawladda Puntland waddo. Laakiin waxaa dawaladdu si sharci darro ah heshiisaan waafaqsanayn Dastuurka kumeel gaarka ah ee JamhuriyadaFederalka Somaliya, la gashay shirkada Som Oil and Gas. Haddana waxaa ay si qaawan u taageersantahay heshiiskan meel ka dhaca ku ah xuduudaha Puntland.

Hay’adda Macadanta iyo Shidaalka waxaa ay sitoos ah u wargelisey shirkada Link Natural Resources FZC. Waxaan u sheegay in ay sisharcidaro ah ku haysato dhulka mid ah Dawladda Puntland, dhulkaasoo ay bixisay Galmudug iyo Dawladda Federalka Somaliyeed oo taageersan inxuduuda Maamulka Galmudug yahay xadka u dhexeeya Gobolka Nugaal iyo Mudug, sida ku cad heshiiska.

Hay’adda Macdanta iyo Shidaalku sinama ugama soohorjeedo baarista iyo soo saarista khayraadka saliida ceeriin, gaaska iyo macadanta maamulka Gulmudug. Sidoo kale, Dawaladda Puntland waa ay soo dhoweyneysaa shirkadaha raba in ay waddanka soo galaan oo maalgashi ku sameeyaan si loo gafaa’iidaysto khayraadka waddanka. Laakiin waxaan ka soo horjeedna heshiisyada sharci darrada ah iyo xulafaysiga qaawan ee Dawaladda Federalku dabada kariixeyso.

Dawladda Puntland waxaa kago’an in ay sii waddo mashaaricda baarista shidalkaiyo macadanta oo dan u ah Somaliya iyo shacabkeena. Sidoo kale, Dawladda Puntland waxaa ay cadayneysaa in ayan cidna marti uga ahayn horumarinta dhulka Somaliyeed, gaar ahaan Puntland iyada oon cidna u gudbineynin xuquuqdeeda iyo awoodeheeda sharci ee ku qoran Dastuurka kumeel gaarka ah Jumhuriyada Federalka Somaliyeed iyo Dastuurka Dawladda Puntland.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment