KASHIFAAD:Gaas oo diiday in TV.ga PL laga baahiyo Soo dhaweynta Faroole.

Bulsha:- Dowladda Puntland ayaa ku amartay maamulka Telefishinka Puntland TV (PLTV) inaysan baahin karin war ku saabsan qaabkii magaalada Garowe loogu soo dhoweeyey madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.


Amarka ayaa si toos ah uga soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-Cade, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah hawl-wadeenada telefishinka oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo.

Arrintan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyo madaxweyne Gaas, oo ay isku kacsan yihiin beesha Faroole ee degta Garoowe. Waxaana laga cabsi qabaa in tani ay sii xumeysa xiriirka labada dhinac oo mar horeba meel hoose joogay.



Soo dhoweynta Faroole waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo Guddoomiyaha Baarlammaanka Siciid Xasan Shire hoggaaminayey, kuwaasoo isugu jirey wasiirro, xildhibaanno, agaasimeyaal iyo saraakiil ciidan.


Waxaa xusid mudan in xilligii Mudane Gaas ahaa murashaxa ee uu Garowe yimid, telefishinka dowladda si toos ah looga baahin jirey dhammaan barnaamijyada ku saabsan ololihiisa doorashada.


Kumannaan dadweyne ah oo ruxayey caleemo qoyan iyo calammada Puntland iyo Soomaaliya ayaa Faroole si weyn ugu soo dhoweeyey Garowe, wuxuuna dadka si kooban ugula hadlay Fagaaraha Barxadda, isagoo xusay booqashadiisu tahay mid la xiriirta arrimo qoys, gaar ahaan tacsida marwadiisii hore Aamino Abiib







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment