Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay inay diirada saarayaan sidii aanay dalka dib u dhac ugu dhici laheyn

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa khudbad ka jeediyey Shirka looga hadlayo Hiigsiga, isagoo ka hadlay qorshaha mudnaanta u leh dowladda ee la doonayo in dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2016.

Mr Cumar C/rashiid ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ahmiyad iyo mudnaan gaar ah ay siineyso howlaha muhiimka ah ee sahlaya inaan horumarinta dalka, sida Dib u eegista, nidaamka Federaalka oo hadda guulo wax ku ool ah laga gaaray.

“Xukuumaddu waxey diirada saari doontaan bilaha soo socda sidii loo xaqiijin lahaa in uusan dhicin dib u dhac ku yimaada arrimaha mudnaanta sare leh, oo aan hubinaa dhismaha hay’adaha muhiimka ah iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo in laga gun gaaro dhaqangelinta hiigsiga 2016 taasoo wadada u sii xaareysa sidii loo heli lahaa nabad waarta, xasilinooni iyo dib u heshiisiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaarke.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dalka waxaa ka jiray horumar ballaaran oo laga sameeyey dhinacyada Federaalka iyo dib u xoreynta, waxaa la dhisay qaar kamid ah maamulladii qaybta ka noqon lahaa Federalka sida Galmudug oo Xukuumaddu ay hoggaaminaysay dhismaheeda, waxaan gacanta ku dhignay deegaano ay kooxaha xagjiriintu maamulayeen kuwaas oo hadda ku jira gacanta dowladda. Horumarka socda waa mid ka yimid guulaha amniga iyo xasilinta oo noo keenaya faa’iidooyin fog-fog oo waqti dheer leh, isla markaasna uu shacabku ka dareemi doono dhammaan dalka oo dhan”.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment