Daawo:- Ninkii lagu Eedeeyay inuu kor ka Hagayay Qaraxii Hotel Jasiira oo Warbaahinta la Hadlay

Bulsha:- Ninkii ay Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku eedeeyeen inuu kor ka hagayay Qaraxii lagu qaaday Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho, ayaa iska fogeeyay eedeymahaasi.

Cabdinaasir Axmed Buuni oo la hadlay qolyaha Warbaahinta ayaa mar labaad Sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn weerarkaasi.

Hay’adaha Dembi Baarista (NISA) ee Dowladda Federalka Somaliya, ayaa sawirka ninkaasi soo galisay qadka internetka sheegayna inuu xiriir la lahaa ninkii fuliyay weerarka ismiidaaminta ah, ee gelinkii dambe ee Axadii lagu qaaday Hotel Jazeera. Waxay kaloo Hay’adda ninkani ku eedeeysay in uu hagaayay weerarkaasi, xilli uu ku sugan yahay Magaalada Boorama.


C/naasir Muxamed Xasan oo waraysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inaanu wax aqoon ah u lahayn ninkii weerarkaasi fuliyay, oo magaciisa lagu sheegay C/risaaq Muuse Buux, kana yimid Magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Waxa kaloo iska fogeeyay inuu wax xiriir ahi uu la lee yahay Ururka Al Shabaab, isla-markaana sheegay inuu yahay nin ganacsade ah oo aan waxaasi shaqo ku lahayn.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment