Daawo Sawirada ::Ciidamada Galmudg ee Cadaado iyo Kormeerkii Madaxweyne Ku Xigeenka uu ku Tagay

Bulsha:-  Kormeerka madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug, Taliyaal ciidan iyo gudoomiyaha degmada Cadaado,

Meelihii  ay kormeereen ayaa waxaa ka mid ahaa garoonka diyaaradaha ee Cadaado, Xarunta Kafaalo iyo xarumo kale, halkaas oo ay daganyihiin qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga, sida nabad sugidda, Boliiska iyo Milatariga.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale tagay xarunta ciidanka 21-aad ururkooda oo degan magaalada Cadaado, waxaana uu dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamada ku booriyay inay xoojiyaan nabadgalyada deegaanka.

“Waxaan kormeer ku samaynaynay goobaha ay ciidamadu joogaan, doonaynana caqabadaha ciidamada haysa,  adinkana waxaa la idinka rabaa dalkaad u dhaarateen difaaciisa,  meel walba oo la idiin dirana waajibaadkiina aad ka soo baxdaan, waxaad u mahad celinayaa madaxdiina iyo idinkaba sida aad u fulinaysaan shaqadiina,

“dawlad goboleedka Galmudug waxaa uu balan qaadayaa baahiyadina inay daboosho, anaga oo u marayna taliyaha ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhigga iyo meelaha kale oo ay qusayso la kaashanayna”




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment