Xog: Itoobiya oo wada qorshe ay isku balaarineyso Koonfurta Soomaaliya

Bulsha:-  Waxaa bilowday qorshe ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay isku fidiyaan gobolada Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Bay, Bakool iyo Sh/hoose. dhowr guuto oo ciidamada Itoobiya ka socda ayaa soo gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyagoo qorshahoodu yahay inay howlgal ballaran oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ka fuliyaan maalmaha soo socda gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Baardheere oo Al-Shabaab maamusho.

Qorshahan is ballaarinta ciidamada Itoobiya ayaa ka danbeysay kadib markii shirar kala gooni ah xukuumadda Itoobiya la yeelatay Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo kan Jubba Axmed Madoobe oo laga dhaadhiciyay in ciidamada Itoobiya ay ka xoreyn doonaan deegaanada maamuladaasi Al-Shabaab.

Itoobiya ayaa Axmed Madoobe u sheegtay in ciidamada Kenya aysan wax horumar ah ka sameyn mudo seddax sano ah inay Al-Shabaab ka wada xoreeyaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa isagana ku haminaya in Itoobiyaanka ay Alshabaab ka saari doonaan degmooyinka Diinsoor iyo Ufurow.

Ciidamada Itoobiya ayaa noqonaya kuwa ugu badan ciidamada AMISOM, waxayna horay ugu sugnaayeen gobolada Galgaduud, Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Bay, Bakool iyo Gedo, iyagoo hadda usii gudbi doona labada Jubba.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment