Bulsha:- Taliska askarta midowga Africa ee Soomaaliya ayaa sheegay inay bixinayaan tababaro ay siinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo ku dhiiro geliyay inay ku biiraan ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Madaxa ugu sareeya ciidamada Lydia Winyetu Muntena ahna sii haya xilka wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Waxay sidoo kale sheegtay inay taageerayaan ayna tababaro siinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee qeybta ka ah ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka barbar dagaalamaya ciidamada AMISOM.
“AMISOM waxay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhalinyarada ayna idinla la wadaagto si loo kordhiyo awooda dhalinyarada waxaan si wadajir ah sidoo kale la shaqeynaynaa ciidamada dowlada ciidamada booliska iyo ciidamada sirdoonka qaranka doorkeena waa inaan taageernaa ciidamadaasi si ay u adkeeyaan amaanka dalka loogana hortago”ayay tiri.
Ugu dambeyntii haweenaydaan ayaa cadeysay inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowladda Soomaaliya si ay ugu dambeyntii u hantaan amaanka guud ee dalka Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO AMISOM:-
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment