Bulsha:- Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, qarax ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kadib markii gaari uu watay qof ka mid ah dhalinyarada deegaanka oo loogu xiray waxyaabaha qarxa uu qarxay.
Sida ay sheegayaan wararka darawalka gaariga ayaa waxa ka soo gaaray dhaawac, halka dad wadata marayay uu soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel laga raaco baabuurta dadweynaha ee isaga kala gooshta degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciidamo Boolis ah oo goobta qaraxa ka dhacay gaaray ayaa qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxa, mana jirto hadal ka soo baxay.
Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa ku soo kordhayay magaalada Muqdisho, waxaana maalin ka hor ay aheyd markii gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan Nabadsugida qarax loogu xiray gaarigiisa uu dhaawac ka soo gaaray.
Laamaha ammaanka dowladda ayaa horay uga digay gaadiidka gaarka ah ee ay leeyihiin xubnaha dowladda ka tirsan inay ka taxadaraan goobaha ay dhigtaan, kadib markii ay badatay gawaarida qaraxyada lagu xiro
Tan iyo markii la galay bisha Ramadaan waxaa Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo dilal ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-Shabaab.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment