Daawo Sawirada Ninkii Aduunka Xiligan ugu cimriga dheeraa oo Geeriyooday

Bulsha:- Waxaa maalinimadii axada Xarun lagu xanaaneenayay ku geeriyooday ninka loo aqoonsaday in uu ahaa ninka aduunka ugu cimriga dheer , waxaana ninkan uu galay buuga lagu keediyo Mucjisooyinka aduunka( Guinness World Records)


Sakari Momoi, oo u dhashay Dalka Japan ayaa ku dhashay Magaalada Fukushima, 1903 , waxa uuna ninkan ku geeriyooday da'da 112-sano , waxa uuna buuga Mucjisooyinka aduunka galay loona aqoonsaday ninka aduunka ugu weyn bishii August ee Sanadkii tagay.

Buuga Mucjisooyinka aduunka lagu keediyo wali sooma bandhigin shaqsiga kale ee hada ugu da'da weyn raga Dunida kunool Maadaama uu dhintay Sakari Momoi oo horey loogu aqoonsaday in uu ahaa shaqsiga Dunida ugu da'da weyn.

Dalka Japan waxaa sidoo kale bishii April ee Sanadkii hore ku geeriyooday Misao Okawa oo iyana loo aqoonsaday shaqsiga Dunida ugu da'da weyn, waxa ayna haweeneydan ku geeriyootay da'da 117-sano sida lagu qoray Buuga Mucjisooyinka aduunka lagu keediyo.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment