Axmed Fiqi “Dalka si kaloo wax looga bedeli karo ma leh, ilaa Villa Somalia wax laga bedelo”

Bulsha:- Amb. Axmed Macalin Fiqi oo ahaa musharaxii looga guuleystay doorashadii Madaxweynaha Galmudug ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacday degmada Cadaado ayaa sheegay in is bedel la sameeyo ay ku xiran tahay hogaanka dalka.

Isagoo ka hadlayay xaflad shalay ka dhacday degmada Cadaado oo lagu sagootinayay, ayaa ka mahad celiyay taageeradii uu ka helay shacabka intii uu socday ololaha doorashada, waxaana uu u hambalyo u diray hogaanka Maamulka cusub ee Galmudug.

Axmed Fiqi ayaa sheegay inuu dib ugu laaban doono Gobollada Dhexe, isagoo xusay in howsha ay hada kow tahay, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada, haweenka iyo bulshada inay is abaabulaan.

“Howsha hada ayay kow tahay, waxaa u imaan doonaa howlo gaar noo ah, howlo dalka iyo dadka samata bixintooda ah 2016 wixii ka dambeeya ayaa Gobollada Dhexe ku soo laaban doonaa”ayuu yiri Amb. Axmed Fiqi

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay muhiim tahay inuu is bedel uu ka dhaco Villa Somalia oo uu ugala jeeday hogaanka dalka.


“Dalka si kaloo wax looga bedeli karo ma leh, illaa Villa Somalia wax laga bedelo”ayuu yiri Amb. Axmed Macalin Fiqi oo la sheego inuu saaxib dhow la yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

Siyaasiyiin iyo dad badan ayaa xusul duub ugu jira sanadka 2016, xilligaasoo uu waqtiga ugu ek yahay dowladda hada jirta, waxaana sanadka soo socda la rajeynayaa in dalka doorasho ka dhacdo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment