Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha Somalia oo booqasho ku jooga magaalada Garowe ayaa wada qorshe uu ku qancinayo dadka iyo madaxda maamulka Puntland ee uu laf ahaantiisa kasoo jeedo, arintaani oo timid kadib markii uusii xoogeystay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Somalia.
Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tilmaamayaan in Cumar C/rashiid u balan qaaday Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo maamulkiisa in la badeli doono dastuurka maamulka Galmudug ee Puntland ka didsan tahay, gaar ahaan qodobka qeexaya xuduuda maamulka Galmudug ee dhinaca waqooyi oo ku eg gobolka Nugaal.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in qorshahan in ay isla meel dhigeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo saaxiibkiis C/kariin Guuleed ku qanciyay iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, maadaama kooxda uu ka tirsan yahay Madaxweynaha ee Damjadiid iyo C/kariin Guuleed qorshahooda yahay meel fog isla markaana damacoodu yahay in xiisada la dejiyo si doorashada 2016-ka mar kale ugu guuleystaan.
Laakiin Siyaasadda Madaxweyne Xasan ee uu kula dhaqmayay Puntland tan iyo markii la doortay ee Dowladda ka baxday KMG-nimadii ayaa aheyd balan qaad, mar walboo ay Puntland qeyliso, lagana saxiixo heshiisyo aan fulin, taasina ujeedada laga lahaa ay aheyd in xiisada uun lagu dejiyo, walow tani la ogeyn in heshiisyadii hore waxba ka duwaneyn.
Sidon kale Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa qorshaha kaalin ku leh maadaama C/weli Gaas u arko mid gigilin kara Dowladdiisa hadii is-faham dhex maro isaga iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna qeyb ka yahay in Puntland aysan kusoo dhowaan DF, si uu xilkiisa iyo awoodiisa u ilaashado.
Dhanka kale Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa lagu qanciyay in ay ka qeybgalaan shir 29-ka bisha ka dhacaya Muqdisho, kaasoo Madaxweynaha Somalia uu u qabanayo maamulada dalka ka jira, loogana hadlaya qaabka loo wajahayo doorashooyinka madaxtinimada dalka ee sanadka 2016-ka dhaceyso.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment