Isra’iil oo Cabsi xoogan lasoo daristay kuna hanjabtay in ay diyaarineyso Qorshe ay uga hortageyso Iran

Bulsha:- Yahuuda Isra’iil ayaan ku farxin heshiiskii Taariikhiga ahaa ee shalay dhax maray Quwadaha Dunida iyo Dowlada Iran, waxa ayna muujiyeen Masuuliyiinta Isra’iil sida ay uga xun yiiin heshiiskaasi lala gaaray Dowlada Iran.

Ra’izul Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa si weyn uga soo horjeestay Heshiiska Quwadaha Dunida ay la gaareen Dowlada Iran ee ku aadan xakameynta Hubka nukliyeerka taa badalkeedana Iran laga qaado cunaqabteyntii saarneed.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegayin heshiiskan uu yahay mid fursad badan siinayan awooda dhaqaale ee Dowlada Iran, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Iran ay xoojineyso taageerida iyo hubeynta kooxaha kasoo horjeeda Isra’iil sida Ururka Xisbulah ee ka dagaalama Dalka Lubnaan.

Xubno katirsan Wasiirada Israa’iil oo dhankooda ka hadlay heshiiska lala gaaray Iran ayaa walaac ka muujiyay arintaasi, waxa ayna shaaca ka qadaeen in ay diyaarinayaan qorshayaal ay uga hortagayaan qatarta Dowlada Iran kaga imaan karta.

Israa’iil oo cabsi badan ay lasoo daristay ayaa sheegtay in aysan xushmad u muujin doonin heshiska Dowladaha awooda leh la gaareen Dalka Iran, waxa ayna ku hanjabeyn in ay qaadayaan tilaabo ay kaga hortagayaan Iran , inkastoo aysan cadeyn tilaabada ay qaadayaan Yahuuda Israa’il.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment