Shirka Garowe oo laysku mari la’yahay

Bulsha:-  Waxaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-hadal madaxtooyada Garowe uga socday RW.Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, iyadoona shirkooda looga wada hadlay qodobo xasaasi ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa shirka la yimi in Puntland iyo Jubbaland ay aqoon sadaan mamulka laga dhisay Cadaado iyo guddiyaddii uu dhowaan meelmariyay Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo labadaan mamul horay u qaadaceen.


Hadaba qodobada leysku mari waayay waxaa ka mid ahaa.

1-Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxda Jubbaland iyo Puntland ka codsaday inay aqoonsadaan maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado,kaasi oo Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay inuu ka kooban yahay Hal Gobol iyo Bar.

Jubbaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha,waxaana ay sheegen inaysan sinaba u aqoonsanayn maamul ka kooban hal Gobol iyo Bar oo hareermarsan Dastuurka Soomaaliya,waxaana ay si wada jir ah u sheegen in maamulada dhismaya ee hoos imanaya Dawlada Federaalka ay noqdaan kuwo waafaqsan Dastuurka ay ku heshiyeen Ummadda Soomaaliyeed.

2-Qodobka labaad ee la isku mari waayay ayaa ahaa;Ra’iisul Wasaare Sharmaarke wuxuu ka codsaday Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay aqoonsadaan Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka Federaalka,arrintaas oo Puntland iyo Jubbaland ay sheegen inay tahay mid aan u cuntamayn,waxayna si wada jir ah u sheegen innaan Guddiyadaas lagala tashan oo aysan aqoonsanayn.

3-Qodobka saddexaad ee la isku mari waayay ayaa ahaa;soo jeedin kale oo ka timi Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo ka codsaday Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay kaso qayb galaan shirka ay Iclaamisay Qaramada Midoobay ee 29/7/2015-ka lagu waday inuu ka dhaco Muqdisho.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in Puntland iyo Jubbaland aysan tagayn shirka oo aysan miis la fariisaneyn Madaxda Federaalka,isla markaana aysan ka tanaasulayn wixii ay Xaq u leeyihiin..

saacadaha soo socda ayaa laga yaabaa madaxdani inay kulan danbe iskugu yimaadaan. Inta ka horaysana masuul kasta ayaa la tashiyo iyo wada hadal la samaynaya wasiiradooda.

Haddii xaalada wada hadalku sidaan kusii socda waxaa laga yaabaa inay dhinacyada wada hadlayaa iska dhex xulaan guddiyo matala oo arrimaha lagu muran san yahay sii anbo-qaada.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment