Xildhibaan Jeesow “Gaabiska Xagga Amniga Ee Jira Waa Mushaar La’aanta Ciidanka”

Bulsha:- Xildhibaan Ku Baaqay In Cadaaladda La Horkeeno Ragii Ka Dambeeyay Dilka Xildhibaan Yuusuf DirirXildhibaan Ku Baaqay In Cadaaladda La Horkeeno Ragii Ka Dambeeyay Dilka Xildhibaan Yuusuf Dirir

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada GaalkacyoXildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Jubbaland oo Kala Saartay Xildhibaanada Baarlamaanka FederaalkaJubbaland oo Kala Saartay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Ku Baaqay In Isbedal Amni La SameeyoXildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Ku Baaqay In Isbedal Amni La Sameeyo

Xildhibaan Dhuux “Nidaamka 4.5 Ayaa Caqabad Ku Ah Horumarka Dalka”Xildhibaan Dhuux “Nidaamka 4.5 Ayaa Caqabad Ku Ah Horumarka Dalka”
Puntland “Ciidamo AMISOM Ah Lama Keeni Karo Deegaannada Aynu Maamulno”Puntland “Ciidamo AMISOM Ah Lama Keeni Karo Deegaannada Aynu Maamulno”

Gudoomiye ku xigeenka guddiga arimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee amni darada magaalada Muqdisho ay tahay mushaar la’aanta ciidamada dowladda oo uu tilmaamay in ay tahay sababta ugu weyn ee dhibaatada magaalada uga dhacayso.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ciidamada aysan lahayn muraal wanaagsan, islamarkaana aysan isku keeni karin inay ka fikiraan biilka reerahooda iyo sidoo kale in amniga ay sugaan.

“Waxaa muhiim ah ciidanka ruuxiisa amniga sugaaya inuu ahaado mid muraal leh oo dareen xoogan ku jiro, feejignaantoodana aad u sareyso waa muhiim, waxyaabaha gaabiska jirana waxa ay tahay mushaar la’aanta, askariga ma waxa uu k afikiraa biilka qoyskiisa mise arimaha amniga, marka mashquul noocaasi ah waa uu jiraa” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa imanaya ka dib markii Habeen kahor ay Xarakada Al-shabaab weeraro ku qaadeen Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ee magaalada Muqdisho, waxaana weeraradaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment