Bulsha:- Iyadoo wili ay soconayso murun badeedka u dhaxeeya labada dowladood ee Somalia iyo Kenya dhawaana dowlada federalka Somalia ay dacwada dhanka bada ku aadan ay u gudbisay maxakamada caalamiga ee hague ayaa waxa arinta gudbinta dacwada muranka bada ay dowlada Somalia u gudbisay maxkamadaasi waxa ilgaar ah ku haayey indheer garada somaliyeed siyaasiyinta waxgaradka iyo aqoon yahanada somaliyeed oo siyaabooyin kale duwan ugu hadlaayey.
Gudoomliyaha Xisbiga midnimada qaranka Somalia yuusuf cismaan maxamed shimbir ayaa waxa uu eedeeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha xukuumada federalka Somalia mudane cumar c/rashiid cali sharmaake waxa uuna ku eedyey in uu qeyb ka yahay muranka bada ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Somalia sida uu yiri.
Si kastaba dacwada dhanka bada ee dowlada Somalia ka gudbisay tan Kenya ayaa ah mid in badan laga qabo in ay kusoo idlaato jawi nab doon sida ay qabaan indheergaratada somaliyeed.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment