GAAS:- oo cafis u fidiyay 127-maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland

Bulsha:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-7-2015 digreeto uu soo saaray sumadeeduna tahay Ref-MW/DPS/517/2015 cafis u fidiyey fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed 127-maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.


Wareegtadaan oo soo baxday saaka ayaa waxaa si rasmi ah loogu gudbiyey Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland Garyaqaan Maxamuud Xassan Aw-cismaan , iyadoo lafaray in berri  subax la sii daayo dhammaan maxaabiistaasi oo ku kala xukuman dambiyo kala duwan .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu maxaabiistaas  uu siidaayey ugu talagalay sidookale in ay farxadda ciida la wadaagaan eheladooda, maadama ay tahay maalin ay wada faraxsan yihiin dhammaan umadda muslmiinta ah.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa u rajeeyey 127-kaa maxbuus ee uu cafiska u fidiyey mustaqbal wanaagsan iyo in ay qeyb ka noqdaan bulshada wanaageeda iyo waxtarkeeda , kana waantoobaan dambiyada lagu soo xiray.

Maxaabiistaan ayaa mudadii ay xabsiyada Puntland kujireen helay wabarasho dhinac walba ah , waxaana ku sugan xabsiyada Puntland dad u tababaran dhaqancelinta maxaabiista lagu xiro xabsiyada kala duwan ee Puntland.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment