Bulsha:- Iyadoo maalmo qura ay ka harsan tahay Ciidul Fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garow aad u ballaaran oo loogu jiro ciida, waxaana mashquul ah goobaha ganacsi ee dadka wax ka iibsadaan.
Suuqa Xamar weyne oo ka mid ah suuqyada ugu mashquulka badan ee diyaar garowga ciida laga dareemayo ayaa lagu arkayaa, waalidiin caruurtooda wata oo dharka ciida u iibinaya.
Camera-Man Cabdalla Maxamed Muxiyadiin (Coonka Cadde) ayaa soo sheegaya in suuqa xamar weyne uu ka jiro dukaameysi xowli ku socda, iyadoo ushii kor loo tuuro aanay dhulka dhaceyn marka loo eego saxmada dadweynaha.
Goobaha dharka lagu iibiyo sida carwooyinka, bacadlayasha, goobaha kabaha lagu iibiyo, goobaha haweenka isku qurxiyaan, goobaha timaha lagu jiro iyo goobaha kale ee alaabaha ciyaalka lagu iibiyo.
Ka sokow caruurta dharka loo iibinayo, waxaa suuqa lagu arkayay dadka waa weyn oo iyana dharka noocyadiisa kala duwan iibsanaya, sida macawiis, khamiis iyo shaarar, si ay Salaada Ciida ugu dukadaan
Mid ka mid ah dadka iibiya dharka ayaa sheegay in ammaanka uu aad u wanaagsan, isla markaana ganacsi uu si wanaagsan u socdo, waxaana uu tilmaamay in qiimaha wax lagu iibsanayo ay tahay mid dhex dhexaad ah.
Suuqyada kale ee magaalada Muqdisho sida Suuqa Bakaaraha ayaa iyana waxaa ka jiray diyaar garow aad u ballaaran oo loogu jiray ciidul Fidriga.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment