Xildhibaanad Somali-Kenyan ah oo diiday ineey salaanto Uhuro Kenyatta

Bulsha:- Muslimiinta ku nool dalka Kenya guud ahaan gaar ahaan Soomaalida, ayaa mar qura dareenkooda waxaa soo jiitay ficil aad loogu riyaaqay oo ay sameeyay Gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan Baarlamanka Kenya.

Haa Sax, Sawirkaan waxaa qaaday Saxaafada Kenya oo goobjoog u ahayd booqasho uu M/weyne Uhuro Kenyatta ku tagay deegaanka Marsabit, halkaasoo dhawaanahaan ay ka jireen qul qulatooyin ka dhashay Shidaal halkaas laga helay.

Sawirkaan oo lagus oo bandhigay Bogga gaarka u ah M/weynaha Kenya, ayaa soo jiidatay in ka badan 1.6 million Muslimiin Kenyan ah.

” Xildhibaanad Nasra Ibrahim oo Marsabit ku metesha baarlamanka Marsabit ayaa salaantiisa ka gaabsatay madaxwaynaha Uhuru Kenyatta oo halkaasi booqday. 
Waxay Nasra bixisay cashar akhlaaqi ah (Moral lesson).

nasraSoomaalida Kenya oo ah Qowmiyada Lixaad ee ugu tirada badan dalkaas, ayaa aad ugu riyaaqay aqlaaqda Xildhibaanad Nasra.

Xildhibaanad Nasra Ibraahim, waa Xildhibaanad laga soo doorto deegaanka Marsabi.


Sawirka Nasra ayaa isbuucaan oo dhan qabsaday qeybaha kala duwan ee baraha Bulshada ku xiriirto sida Facebooka iyo Twitter-ka, iyadoona bulshada Muslimka Kenya oo dhami ay ku amaaneen sida ay u xifdisay Diinteeda Islaamka oo aan marnaba ogolaaneen in Gabar Muslim ah ay salaan ka qaado Nin Ajnabi ka ah.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment