DAAWO:- Sarkaal AMISOM oo ciidamada Burundi ee Sh/hoose booqday, una tacsiyeeyay

Bulsha:- Sarkaal sare oo ka socda daladda AMISOM islamarkaana lagu magacaabo Gen. Jonathan Rono ayaa booqday ciidamada Burundi ee ku sugan gobolka Sh/Hoose halkaas oo qeyn iyaga ka mid ah khasaaro lagu garsiiyay dhawaan.


Sarkaalkan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya ayaa dhirigeli, tacsiyeyn iyo in uu warbixin siiyo u booqday ciidamada Burundi qeybtooda deegaanka Jereredo.

Waxa uu u sheegay in ciidamada AMISOM kuwooda ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose la habeyn doono islamarkaana xarumaha ay daggan yihiin ammaankooda la adkeyn doono.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerareen xero ciidan oo Burundi leedahay halkaas oo ay ku dileen in ka badan lixdan askari, ayna kasoo qaateen hub iyo gawaari ciidan.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment