Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsaneyn maamulka cusub ee Galmudug iyo madaxweynihiisa

Bulsha:- Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo wareysi siiyay laanta af-soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay maamulka cusub ee Galmudug iyo madaxweynihiisa, waxa Puntland kala dhexeeya iyo sida ay iyagu u arkan maamulkaasi.


Waxa uu sheegay wasiirku in xubnaha madaxda ka ah maamulkaasi cusub ee Galmudug ay yihiin dad Xamar diyaarado looga soo daabulay islamarkaana aysan matalin shacabka dhulkaasi ku dhaqan.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan aqoonsanayn madaxweynaha cusub ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuuna intaa raaciyay in wax wadahadal ah aysan la galaynin inta maamulkaasi uu sheeganaayo dhul Puntland ka mid ah.

Dhanka kale madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa dhankiisa sheegay in wadahadal lagu dhameynayo khilaafaadka uu la furayo maamulka Puntland iyo Ahlusunnah.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment