Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya oo la kulantay Safiirka cusub ee Soomaaliya (Sawirro)

Bulsha:-  Wasiiradda Arrimaha Dibada Kenya Amb. Aamina Maxamed ayaa maanta oo Arbaco xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan.

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu waraaqihiisa aqoonsi ee danjirnimo u gudbiyo Madaxweynaha Kenya Uhur Kenyatta, iyadoo Safiirka laga sugayo inuu xoojiyo xiriirka labada dal iyo Soomaalida dalkaas ku nool uu wax u qabto, kuwaasoo horay dhibaatooyin ay u geysteen ciidamada ammaanka Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya iyo Danjiraha cusub ee Soomaaliya u jooga Kenya ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, iyadoo danjiraha uu u gudbiyay Safiirka warqada magacaabistiisa.



Dowladda Kenya ayaa dhowaan aqbashay magacaabista Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday Kenya, kaasoo bedelay Safiirkii hore ee Soomaaliya Amb. Maxamed Cali Ameerika oo muddo sideed sano xilkaas haya.

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa horay ula soo shaqeeyay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, waxaana uua ka mid ahaa shan safiir oo dowladda Soomaaliya bishii April u magacawday Koofur Afrika, Kenya, Ciraaq, Sacuudiga iyo Xarunta Qaramada Midoobey Geneva

Illaa iyo hadda waxaa la soo aqbalay labo safiir oo kaliya, iyadoo bishii la soo dhaafay Safiirada dowladda Soomaaliya u fadhin doonta Ciraaq Amb, Khadiija Al-Makhzuumi waraaqdeeda aqoonsiga uu ka guddoomay Madaxweynaha Ciraaq.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment