Akhriso: Warqad Wasaaradda A. Dibada Somalia uga dalbaneyso Turkiga inay aqbasho Safiirnimada Sanbaloolshe

Bulsha:- Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Turkiga warqad ay ku sharaxeyso magacaabista Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Turkiga.

Qoraalkan oo ay heshay Jowhar.com ayaa looga dalbanayaa dowladda Turkiga inay soo aqbasho Safiirka, iyadoo xustay in magacaabistan uu sii xoojin doono xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Sidoo kale qoraalkan ayaa sharxaya qaabka diblomaasiyada caalamiga ah in marka Safiir la magacaabo laga tala bixiyo, taariikhdiida iyo aqoontiisa, waxaana sida uu dhigayo sharciga Diblomaasiyada saddex bilood jawaab loogaga sugi doonaa Turkiga.

Warqadan ayaa soo baxday 25-kii bishii May ee sanadkan, waxaana magacaabista ay aheyd mid deg deg ku timid oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

Madaxweynaha ayaa awoodaha uu Dastuurka u siinayo oo ah sharciga shaqaalaha Dibadda (Foreign Service Low) inuu magacaabi karo Safiir, isagoo aan marin Golaha Wasiirada.

Safiir Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xilka safiirnimada baneynaya ayaa la magacaabay sanadkii 2011, iyadoo Madaxweynihii Turkiga Abadallah Gul uu ka guddoomay waraaqdiisa aqoonsiga.


C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo la sheego inuu saaxib dhow la yahay Madaxweynaha ayaa horay u soo noqday Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Ingiriiska.

Dowladda Turkiga ayaa wali soo aqbalin magacaabistan, waxaana sida sharciga diblomaasiyada uu qabo inta aysan aqbalin Safiirka, waxay baaritaan ku sameyneysaa shaqsiyada safiirka la soo magacaabo, waxaana ay kaga soo jawaabeysaa saddex bilood, haddii mudadaas saddexda bilood lagu soo jawaabin waxay la macno tahay in la soo diiday.

Bishii April ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay magacawday illaa shan safiir, oo qaarkood la soo aqbalay, kuwana la sugayo in la aqbalo, iyadoo la xusuusto xilligii Xukuumaddii Saacid Safiiro la magacaabay iyo Qunsulo la soo celiyay.

Halkan hoose ka akhriso Warqada ay heshay Jowhar.com ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya u dirtay Wasaaradda Arrimaha Turkiga








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment