DAAWO:- Madaxweynaha oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada, afurna u sameeyay

Bulsha:-  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada afur ugu sameeyay madaxda laamaha amniga Qaranka.


Madaxweynaha ayaa intii munaasabadda ay socotey kala hadley madaxda laamaha amniga, xaaladda dalka uu ku sugan yahay iyo sida ciidammada looga doonayo inay doorkooda saliimka ah uga cayaaraan.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed way ogsoon yihin hawsha adag ee ay Ciidammada Qalabka Sida inoo hayaan. Hawshaasi waxaan doonayaa in la labanlaabo, ilamaa guud ahaan cadowga laga sifeeyo waddanka, awooddeenana aan isugu geyno dhanka horumarka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale taliyeyaasha ciidammada farey in si dhow loola socdo xaaladda nololeed ee ciidammada, xuquuqda ay leeyihiin, anshaxa iyo isla xisaabtan dhanka hawlaha sugidda amniga.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka Gaashandhigga Sareeyo Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.













_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment