Bulsha:- Waxaa Goorhaw loo gudbayaa Wareega Labaad ee Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay usoo gudbeen Sadaxda Musharax ee ugu horeeya ilaa hada helay Codadka ugu badan ee la dhiibtay.
Waxaana Wareega Labaad usoo baxay kuna tartami doona ilaa Sadax Musharax oo kala ah C/kariin Xuseen Guuleed, Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan kuwaa oo helay codadka ugu badan ee Doorashada.
Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa helay codad isku mid ah oo mid 29-cod ,waxaana kaallinta Sadaxaad ku jira una soo gudbay Wareega Labaad Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo helay 12-Cod.
Waxaa aad u adag in la saadaaliyo Musharaxa ku guuleesan doona Madaxweynaha Maamulka Galmudug, waxaana tartanka ugu adag uu u dhaxeeya Labada Musharax ee Guuleed iyo Fiqi , waaana guuleesan doona Musharixii hela Codad gaaraya 45-cod ama ka badan.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha Doorashada kala Soco wararkaga Dambe Daqiiqad daqiiqad Insha Allah
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment