Bulsha:- Dekeda magaalada qadiimiga ah ee Saylac ayaa waxa maanta markii u horaysay ku soo xirtay doon ay la socdeen dadkii ugu horeeeyay ee u dhashay dalka Yemen, islamarkaana ka soo cararay dagaalada u dhaxeeya labada garab ee dalkaasi, waxayna sheegeen Qaxootigani inay ka soo jeedaan Magaalada Cadan ahna dadka loo yaqaano Cadmaawiyiinta kuwan oo sheegay inay ka soo carareen dagaalada ka soconaaya dalkaasi.
maamulka gobalka iyo kan degmada Saylac ayaa maanta ku qaabilay dadkaasi isla magaalada Saylac , Dadkani ayaa waxaa la dajiyay goobo loogu talagalay qaxootiga ee magaaladaasi ku yaal.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment