Bulsha:- C/laahi Bashiir C/nuur (Ducaale) oo ah Musharaxa Madaxweyne ku xigenka maamulka Gobollada Dhexe, ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado oo ah halka uu kasocdo shirka maamul u samaynta G/dhexe.
Munaasabad ballaaran oo ay kasoo Qayb-galeen qaybaha bulshada iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia, Baarlamaanka Galmudug, Siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale ayaa Musharax C/llaahi Bashiir (Ducaale) wuxuu ku shaaciyay Musaraxnimadiisa, isagoo ballan-qaaday haddii uu ku guuleysto xilkaas in uu wax badan ka qaban doono deegaanada Gobollada Dhexe.
Xubnihii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa iyaguna ka jeediyay Khudbado ay ku muuji-nayeen taageerada ay u hayaan murashaxa madaxweyen ku xigeenka, isla markaana inuu yahay nin u qalma qabashada xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Ducaale_Cadaado_HOL“Waxaan taageersan-nahay musharaxan oo ah nin aqoon u leh xilka uu isku soo taagay, waan hubaa inuu kasoo bixi doono shaqadiisa haddii uu ku guuleysto, si dhow ayaan ula shaqayn doonnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Shariif Cabdi oo madasha ka hadlay.
Sidoo kale, qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa cadeeyey inay codkooda siin doonaan musharaxan maadaama ay ku qanceen qorshaha uu soo bandhigay oo ah mid anfaca guud ahaan deegaanada maamulka loo sameynayo.
Dhanka kale, Musharax Mudane C/llaahi Bashiir ayaa shalay khudbaddiisa murashaxnimo jeediyay, wuxuuna soo bandhigay Qorshayaashii ku aaddan mustaqbalka dhow iyo midka fog ee ku doonayo deegaanadan maamulka loo sameynayo inuu ku hago haddii la doorto, gaar ahaan, ammaanka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, dib u heshiisiinta, caafimaadka iyo waxbarashada.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment