War Dag Dag ah: Shariif Xasan iyo Niclos Key oo Cadaado Gaaray

Bulsha:- Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa goor dhaweyd gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo lagu balansan yahay in maalinta bari ah lagu qabto caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi Garabey.

Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo wafdiga la socda Ayaa waxaa magaalada Cadaado kusoo dhaweyay Madaxda Maamulka Galmudug, sidoo kale waxaa Wararka hada naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ay sheegayan in wakiila Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Soomaaliya Niclos key iyo wafdi caalami ah ay halkaasi gaareen si ay ugu qayb galaan Caleemo Saarka Madaxda Cusub ee Maamulka Galmudug.

Dhan walba hajirtee Madaxda Cusub ee Galmudug ayaa waxaa la doortay bishan juliy 4dii ayadoona caleemo saarka loo iclaamiyay maalinta bari ah, Ayadoona Wafuud kale ee ka socda Dawlada Fedaraalka Somaliya lagu wado in saacadaha fooda nagu soo haya ay kusoo wajahan yihiin Cadaado.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment