Bulsha:- 24 saacadood ka yar, ayaa ka hartay, waqtiga la filayo in Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama uu ku yimaado dalka Kenya.
Safarka uu Obama ku imaanayo dalka Kenya, ayaa noqonaya kii u horeeyay oo Madaxweyne Obama uu ku yimaado dalka Kenya ee uu asal ahaan ka soo jeedo tan iyo markii uu ku guuleestay hogaanka dalka Mareykanka.
Haddaba aqriso sideed sifo oo ay wadaagaan Obama iyo Uhuru.
1- Uhuru iyo Obama waa da’ wadaag, waxayna dhasheen sanadkii 1961.
2- Uhuru iyo Obama waa Gacan bidix/way guran yihiin.
3-Labada Madaxweyne, waxay Siyaasada ku soo shaac baxeen horaantii sagaashameeyadii.
4-Obama waa Madaxweynaha 44-aad ee dalka Mareykanka halka Uhuru uu yahay Madaxweynaha 4-aad ee dalka Kenya.
5-Magacyada Xaasaskoodu waxay ku bilaawdaan, M, Margaret Kenyatta iyo Mitchelle Obama.
6-Labada Madaxweyne waxay wadaagaan dhirir ka bilowda 6.
7-Labada Lamaane waxay wadaagaan sifooyin cajiib ah, Obama iyo Margaret way dhiig furan yihiin, halka Uhuru iyo Michelle ay madow yihiin.
8-Aabayaasha Labada Madaxweyne waa Kenyan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment