Daawo Sawirada:- xafladdii caleema saarka Madaxweynaha Galmudug

Bulsha:- Waxaa maanta magaalada Cadaado ka dhacday munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu caleema saarayay Madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo kuxigeenkiisa Xaashi Cabdi, waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xsan Sheekh Maxamuud, wafuud ka socotay beesha caalamka, Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed, Khaatuma, Sharif Xasan Sh. Aadan, Cali Khalif Galeyr iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa mar kale u hambalyeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo maamulkiisa, isagoo sheegay dhismahan maamulkan looga fadhiyo inuu daboolo baahida shacabka ku dhaqan gobollada dhexe.caleema-saar-galmudug-24

‘’Mabda’a Dowladda Federaalka uu ku dhisan yahay ayaa ah nabad iyo dib u heshiisiin, maamulka Galmudugna, waxaan ka filayaa inay waddadaasi raacaan si aan inaguna u taageerno. Shacabku wuxuu u oomman yahay nabad iyo horumar, waana idin ku dhiirigelinayaa inaad ka shaqeysaan wanaagga iyo rabitaanka shacabka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu ammaan u jeediyay kooxihii iyo shakhsiyaadkii kala duwanaa ee la yimid tanaasulka siyaasadeed ee ugu dambeyntii suurageliyey inuu najaxo dhismaha maamulka Galmudug.caleema-saar-galmudug-1

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ugu baaqey ururka Ahlu Suna Wal Jamaaca inuu ku soo biro maamulka Galmudug, waxaana uu ku ammaaney doorkii iyo halgankii ay u soo galeen inay gobollada dhexe ka sifeeyaan kooxaha nabad-diidka ah.

“Ahlu Suna doorkooda cidna ma dafiri karto. Mar walba waxay mudan yihiin in la soo dhoweeyo, wadahadalna lala furo. Si la mid ah maamullada kale ee ku meel gaarka ah ee waddanka laga dhisay oo qaarkood ay tabashooyin ka soo if-baxeen,ayaa maamulkani cusubna haddii ay tabashooyin jiraan, waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadano sidii loo xalin lahaa, horeyna loogu socon lahaa’’.

Munaasabadda caleema saarka madaxda maamulka ku meel gaarka ee Galmudug ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, diblomaasiyiin , mas’uuliyiinta dowladda qaarkood, madaxda maamullada gobollada qaarkood iyo marti sharaf kale.

























_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment