Bulsha:- Waxaa maanta gaarigiisa bam loogu xiray oo lagu qaarijiyay Xeer ilaaliyihii guud ee dalka Masar, kaasoo uu dhaawac halis ah ka soo gaaray qaraxaasi bam oo loogu qariyay gaadiid uu la socday.
Warbaahinta dalka Masar ayaa Sheegtay in Hisham Barakat uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarkii maanta, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaal lagula tacaalaayay xaaladiisa caafimaad.
Dhaawaca soo gaaray Xeer ilaaliyaha oo ahaa mid aad u culus ayaa la sheegayaa inuu ugu dambeyntii u geeriyooday, Qaar ka mid ah ilaalada Xeer ilaaliyaha iyo Boolis ayaa iyagana qaraxaasi waxyeelo ay kasoo gaartay.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Masar ayaa la sheegay inuu xiliyadii u danbeeysay hanjabaadyo kala duwan ka helayey kooxo ku sugan dalka Masar.
Ilaa hada si cad looma oga cida ka dambeysa Qaraxa lagu dilay Hisham Barakat Xeer ilaaliyihii dalka Masar.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment