Daawo:- Kooxda Daacish oo Markii ugu horeesay Dalka Siiriya ku Gowracday Haween

Bulsha:- Kooxda Daacish ee ka talisa qeybo kamid ah Dalka Siiriya ayaa lagu soo waramayaa in markii ugu horeesay ay gudaha dalkaasi ku Gowraceen labo haween iyo ragii qabay, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen Saxiroolayaal.

Haweenkan ayaa la sheegay in lagu dilay Gobolka Deir Ezzor ee Dalka Suuriya, waxaana haweenkan lala Gowracay ragii qabay, iyagoona Kooxda Islaamiga ee Daacish ku eedeeyeen dadkan in ay ahaayeen dad ku shaqeeysta sixirka.

Rami Abdel Rahman oo ah Madaxa koox u ololeysa Xuquuqda aadanaha Dalka Siiriya oo Fadhigooda yahay Magaalada London ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeesay oo Kooxda Daacish ay gudaha Siiriya ku Gowracaan Haween.


Kooxda Daacish ayaa inta badan qoorta ka jara dadka ay ku helaan Falalka Sixirka iyo dambiyada kale ee Culus, waxa ayna kooxdaan Dalal badan ay ka howlgalaan ay horey ugu Gowraceen dad ay ku eedeeyeen in ay yihiin Jawaasiis iyo kuwa kale ay iyana ku eedeeyeen dambiyo kala duwan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment