Bulsha:- Ciyaaraha koobka bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ah kuwa Soo jireen ah oo Marwalba lagu qaban jiray Magaalooyinka iyo Gobolada Dalka Soomaaliya.
Koobka is reeb reebka kubadda Cagta ayaa waxaa ku tartama dhalinyarada Xaafadaha, kuwaas oo inta ay lacag isku darsadaan soo iibsada maaliyado isku eg oo ay ku ciyaarayaan.
Badanaa koobka ay dhalinyarada u tartamaan waxaa dhiga Shirkadaha waaweyn ee ku yaal xaafadahaasi, ama Gudoomiyaha Degmeda, iyadoo ula jeedada laga leeyahay ay tahay sidii uu u suurta galin lahaa is dhexgalka bulshada ee Degmadaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment