Ururka Al-Shabaab oo sii daayay labo sarkaal Kennyaan ah oo Diinta Islaamka qaatay

Bulsha:- Ururuka Al Shabaab ayaa sii daayay Labo Sarkaal Kenyan ah, kadib markii Al-shabaab sheegeen in ay qaateen Diinta Islaamka mudo aan sidaas u fogeyn ka hor.


Labadan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa laga soo afduubtay gobolka Waqooyi Bari Kenya mudo laga joogo labo sano ka hor oo Shabaabka ay weeraro ka geysteen gobolkaasi.

Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa baahisay warkaani isla markaana ma aysan sheegin in labadan sarkaal ay dalkooda dib ugu laabteen iyo in ay ku sugan yihiin deegaanada Shabaabka ku sugan yihiin ama ay ka barbar dagaalamayaan intaba.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment