Bulsha:- Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ahaa Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa si caro leh ugu hadlay hadalada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas isagoo sheegay inuu hurinayo colaad ka dhacda Gobolka Mudug, isla markaana uu iska horkeenayo labada shacab ee wada dega Gobolka Mudug.
Cabdi Qeybdiid ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu sagootinayay oo ka dhacday Koofurta Galkacyo, isagoo ugu baaqay Puntland inay joojiyaan shacabka la kicinayo iyo dagaalka la abaabulayo sida uu yiri.
“Waxaa rabaa inaan ugu baaqo walaalaheena reer Puntland inay ka gaabsadaan yacni dacaayada iyo shacabka la kicinaya oo dagaalka lagu abaabulayo, hogaanka qaldan ee Cabdiwali Gaas ee dadka lagu kicinayo in dagaal lagu geliyo la rabo, waxaa rabaa walaalaha reer Mudug ee aan deriska nahay in aan la dagaal gelin oo aan dhibaato laga dhex abuurin” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.
Mr Qeybdiid ayaa sheegay in shacabka Mudug ay yihiin dad walaalo ah, waxaana uu xusay inuu doonayo inuu ku sagootiyo deris wanaag iyo walaalnimo.
“Caqliga ha taliyo, walaalnimadu ha taliso, deris wanaaga hala dhowro, Cabdiwali waa aragnay miyirka waa ka tagaye, idinka yuusan idinka tagin” ayuu yiri mar kale.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in dhamaan wixii maamulkiisii hore uu hayay uu ku wareejiyay Maamulka cusub ee Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment