Bulsha:- Wakaalada wararka AFP, ayaa daabacday in Gantaalo laga soo tuuray Diyaarado aan la ogeyn dalka laga leeyahay lala beegsaday Kolonyo galbineysay saraakiil Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo marayay meel duleedka ka ah magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Duqeyntan ayaa la sheegay inay ka dhacday duleedka degmada Baardheere, waxaana la rumeysan yahay in labo xubnood oo muhiim ah lagu bartilmaameedsaday.
Saraakiisha la beegsaday ayaa ka tirsanaa garabka Milateri ee Al-Shabaab, waxaana wararka qaar sheegayaan in lagu kala magacaabo Ismaaciil Jabhad iyo Ismaaciil Dheere.
Wararka ay qorayaan warbaahinta caalamiga ayaa sheegaya in duqeyntan ay dhacday saakay salaadii subax, xilli gaariga ay la socdeen saraakiishan uu marayay meel ku dhow Baardheere oo dhaq dhaqaaqyo ciidan uu ka jiro.
duqeynDadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qarax aad u xoogan, iyadoo durbadiiba goobta wax ka dhaceen ay isku gadaameen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga ay la socdeen saraakiisha Shabaab oo qaabilsanaa dhinaca Milateriga uu gebi ahaanba bur buray, waxaana la sheegay in isgaarsiinta deegaanka hawada laga jaray.
Ma jirto wax war oo ka soo baxay Al-Shabaab, waxaana baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka lagu baahiyay wararka ku saabsan duqeyntan ay geysatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones.
Duqeyntan ayaa timid, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baardheere.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment