Al-Shabaab oo weerar culus iyo qaraxyo ku qaaday ciidamada Kenya iyo khasaaraha oo…

Bulsha:- Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidan ka tirsan kuwa Amisom gaar ahaan ciidamada Kenyattiga ee Gobolka Gedo jooga.

Weerarkaan ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa deeganada Dhamase iyo Ceel Cadde, kadib markii ciidamo kasoo baxay deegaanka Ceel Cadde Shabaabka ay wadada u galeen.

Ka hor inta uusan dhicin weerarka fool ka foolka ah ciidamada Kenyattiga ayaa waxaa lala eegtay qarax culus oo miino ah, kaasi oo khasaaro gaarsiiyay mid ka mid ah Kolonyada gaadiidka ah ee ciidankaasi ay wateen.

Intaasi kadib ayaa waxaa dhacay dagaal culus oo ciidamada Shabaabka iyo kuwa Kenyattiga dhexmaray, waxaana dagaalka uu ahaa mid gaadmo ah oo Shabaabka ay ku gaadeen ciidankaan Kenyattiga.

Dadka deegaanka, ayaa sheegaya in ciidamada Kenyattiga ee weerarka dhabagalka ah lagu qaaday khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay dagaalkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi ciidanka Kenya.

Al Shabaab ayaa Barahooda Internet-ka ku baahiyay in weerarkaasi ay ku gubeen gaadiid ka tirsan kuwa ay isticmaalaan ciidanka Kenya, kadib markii weerarkaasi gaadmada ay u dhigeen.

Dhinaca Shabaabka lama xaqiijin karo inta uu la eeg yahay khasaaraha kasoo gaaray dagaalkaasi.

Gobolka Gedo waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Amisom iyo kuwa Jubbaland oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment