Safiirka safaarada Ingiriiska ee Muqdisho oo fariin af-soomaali ah u dirtay umadda Soomaaliyeed: VIDEO

Bulsha:- Danjiraha Dowladda Britain ee Somalia, Ms. Harriet Mathews ayaa erayo kooban oo Af-Somaali ah fariin muuqaal ah ay soo duubtay kula hadashay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo marka hore ugu hambalyeysay munaasabada Ciidul Fidriga ee Soon fur oo maanta si weyn looga dabaal degayo Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka Somalia iyo caalamka Islaamka.


HALKAN KA DAAWO VIDEOGA



“Galab-wanaagsan marka hore waxaan Umadda Soomaaliyeed leeyahay Ciid Wanaagsan,” ayay Safiiraddu ku tiri Erayo kooban oo Afka Soomaaliga ah, iyadoo markaas u bedelatay inay ku hadasho Af-Ingiriis, waxayna xustay in ciidan ay tahay mid timid kaddib markii ay dhammaatay bishii Ramadaan.

Safiiradda UK oo sii hadlaysay ayaa tiri. “Waxaan Imid Magaalada Muqdisho Anigoo ah Danjiraha Britain ee Soomaaliya, waxaana jecelahay inaan arko sida ciidan ay ugu dabaal-dagayaan Shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu jiro xilli Somalia ay dib u dhismayso.”

Dhanka kale, Harriet Mathews ayaa intaas raacisay in dowladda & Shacabka Soomaaliyeed ay u waddo fariin kaga timid Xukuumadda Biritan; tasoo ah inay kala shaqeyn doonto sidii nabadda iyo xasilloonida Somalia dib loogu soo celin lahaa.

Ugu dambeyn, waxay Hadalkeeda ku Xustay inay ku Faraxsan tahay in Soomaali badan oo ku nool UK ay doonaya inay kaalin muuqata ka qaataan dib u dhiska waddankooda, iyadoo Hadalkeeda kusoo Gunaanaday Ciid Mubaarak.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment