Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay tukashada Salaada Ciidul Fidriga oo ka dhacday masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka.
Boqolaal dadweyne oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa kasoo qeybgalay tukashada salaada ciidul fidriga ee Masjidka Isbaheysiga, halkaasoo amaanka si weyn loo adkeeyay.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dadka gudaha u gelayay masjidka baarayay, sii loo xaqiijiyo amniga.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay munaasabadda 1-da bisha Shawaal ee ah maalinta koowaad ee Ciidda Soonfur, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in maanta oo kale Ummadda looga fadhiyo in ay isu gurmadaan, oo ay caawiyaan waalahood Soomaaliyeed ee aan awoodin in carruurtooda ay carruurta kale kala qeyb qaataan farxadda Ciidda.
Madaxweyne Xasan oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Masjidka Isbaheyga Islaamka ayaa hoosta ka xariiqay in maanta oo kale shacabka looga baahanyahay inay u istaagaan ka shaqeynta dib u heshiisiinta iyo in Shacabku ay isa saamaxaan oo ay u istaagaan ka shqeynta midnimadooda.
Dadka ayaa la arkayay iyagoo isugu hambalyaynayay maalinta koowaad ee cidda, maadaama ay u soo dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment