Bulsha:- Safaaradda Talyaaniga uu ku leeyahay dalka Masar ayaa maanta waxaa lagu weeraray qarax xoogan oo gilgilay nawaaxiga safaaradda.
Safaaradda ayaa waxaa soo gaaray burbur aad u xoogan, Qaraxan ayaa waxa uu dhinac dhan ka dumiyay aqalka Safaaradda, waxaa xitaa go’ay tubooyinkii biyaha ee dhuka hoostiisa ku jiray.
Ilaa iyo hadda cidna ma’aysan sheegan Qaraxan laakiin qaraxani ayaa waxa uu u egyahay midkii isbuuc ka hor lagu qaarijiyay, Xeer ilaaliyihii Madaxweynihii hore ee Mursi ku xukumay dilka toogashada.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom



Blogger Comment
Facebook Comment