Bulsha:- Booliiska Dowladda Federalka Somalia ayaa lagu wareejiyay qalabka looga talo galay in Booliska ay u adeegsadaan ka hortagga xilliyada ay dhacayaan rabshadaha.
Qalabkaan Booliska Somalia waxaa ku wareejiyay Dowladda Talyaaniga oo ka mid ah Dowladda Somalia taageera, waxaana xaflad lagu qabtay Xarunta Midowga Yurub ee Xalane lagu guddoonsiiyay Booliska Somalia qalabkaan.
Qalabka loo isticmaalo ka hortagga Rabshadaha ee la siiyay Booliska Somalia ayaa waxa ay ka tahay dib u dhiska ciidanka xooga dalka oo uu Taliska Booliska Somalia dadaal dheer ugu jiro.
812ee3d8Waxaa isticmaali doono qalabkaan ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo xiray dalka Jabuuti ee Booliska Somalia ka tirsan.
Dhawaan ayeey aheyd markii Booliska Somalia la guddoonsiiyay qalab Isgaarsiineed oo loo adeegsado isku xirka Booliska iyo matooro dab dhaliyeyaal ah.
Tan iyo markii Taliyaha ciidanka Booliska laga dhigay Generaal Xaamud, waxaa muuqata isbedel ballaaran oo ku yimid ciidamada Booliska Somalia.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom



Blogger Comment
Facebook Comment