Ra’iisul Wasaaraha, Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland oo kulan saddex geesood uga socda Garowe

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xilligan shir albaabada u xiran ku leh xarunta Madaxtooyada Garowe, iyadoo kulankan oo ah mid saddex geesood ah looga hadlayo arrinta federaalka.

Wararka ayaa sheegaya qodobada looga hadlayo kulankan uu qeyb ka yahay arrinta Maamulka Galmudug oo horay Puntland ay sheegtay in dhismihiisu hab sharci darro loo maray

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo inta uusan gaarin tagin Garowe ku hormaray Cadaado, ayaa kula kulmay Madaxweynaha cusub ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana Maamulka Galmudug ay u sheegeen in wax walba oo wada hadal lagu xalin karo tabashada jirta inay diyaar u yihiin.

Sidoo kale waxaa shirka intiisa badan diirada lagu saaraya qodobo ay Puntland sheegtay in laga badalay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo Heshiisyo ay horay u wada galeen Federaalka iyo Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa doonaya in cabashada ay ka qabaan Federaalka ay dowladda xal u keento, gaar ahaan arrinta Maamulka Galmudug oo ay dhismihiisa qoonsadeen, waxaana Baarlamaanka Puntland dhowaan qodobo ka soo saaray guddiyadii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay oo ay ku tilmaameen in aan lagala tashan.

Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubba ayaa is-gaashaanbuursi ka sameynaya arrinta Federaalka, waxaana ay horay ay ugu eedeeyeen dowladda Federaalka inay jebisay qodobo ka mid ah dastuurka KMG.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment