Bulsha:- Warbaahinta ku hadasha Afka Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen Sawiro dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii cuslaa ee Shabaabka ay ku qaadeen Xeradii ciidanka Burundi ay ka deganaayeen deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.
Sawiradan dheeraadka ah ee Shabaabka soo bandhigeen, waxaa ka muuqanaya ciidamada Shabaab oo qbsaday gaadiidka dagaalka Amisom iyo sidoo kale ciidamo Shabaab ka tirsan oo laynaya Askar Amisom ah.
Calanka Astaanta u ah Al Shabaab ayaa dul saaray qaar ka mid ah gaadiidka ciidanka Amisom, taasi oo muujinaysa guushii Shabaabka ay ka gaareen dagaalkii cuslaa ee Leego ka dhacay.
Cidiamada Shabaab ayaa dagaalkaasi Leego ka dhacay waxa ay ku dileen ciidan badan oo ka tirsan kuwa Amisom gaar ahaan kuwa Burundi, waxaana ay gaarayaan ciidankaasi ku dhawaad 70 Askari.
Dowlada Burundi ayaa qiratay in 50 Askari looga dilay weerarkii ka dhacay Leego oo Shabaab ay ka dambeeyeen.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom








Blogger Comment
Facebook Comment