Maxuu Salka Ku Hayaa Dagaal Beeleedka ka Qarxay Mudug.?

Bulsha:- Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw ay dib uga bilawdeen dagaal beeleed khasaare sababay.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya Ceelbiyood iyo dhul beereed la sheegay in lagu murmay, waxaana meelaha ugu badan ee dagaallada ka socdaan ay yihiin dhulka Baadiyaha ah ee ku dhaw Camaara.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay 3 qof, waxaana mid ka mid ah beelaha dagaallamaya la sheegay inay dishay Oday iyo Haweeney da’ah.

Maleeshiyaad kala matalaya Laba beel oo halkaasi wada degan ayaa la sheegay in ay isku sii hub uruursanayaan, iyadoo dagaalkana uu yahay mid socda.

Waxaa la doonayay in la diro Odayaal dhaqameed iyo sidoo kale Culimo hase ahaatee aysan suurta gelin in ay gaaraan halka lagu dagaallamayo, ka dib markii la sheegay in gaadiidkii ay saarnaayeen ay jidka u galeen Maleeshiyaad, dibna usoo celiyay.

Deegaanka Camaara iyo deegaanada kale ee ku dhaw waxaa horay uga dhacay dagaal beeleed sidaan oo kale, waxaana dagaaladaasi oo aan xal laga gaarin hadana dib uga qarxay dagaallo kale.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment