Puntland mar kale soo saartay bayaan hurin colaadeed: Akhriso

Bulsha:- Golaha Xukuumadda maamulka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe waxay kaga hadleen arrimo ay ka mid yihiin dhismaha maamulka gobolada dhexe ee Galmudug, amniga, howlaha mashaariicda iyo u diyaargarowga 1-da Agoosto oo ah markii Puntland la aasaasay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirka xukuumadda Puntland ayaa mar kale digniin ka bixisay wax ay ku sheegtay khatar kaga soo wajahan gobolada dhexe gaar ahaan shirka Cadaado oo maamul loogu sameeyay Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Puntland waxay ku goodisay inay u diyaarsan tahay ka hortaga wixii kasoo baxa shirka Cadaado oo maalinta Sabtida loo ballansan yahay in lagu doorto Madaxweynaha Galmudug.


“Dowladda Puntland waxa ay mar kale si cad u sheegaysaa inaysan aqoonsan doonin Maamul Kasta oo looga dhawaaqo magaalada Cadaado , Islamarkaana ay ka hortageyso khatarta kasoo socota deegamadaasi masuuliyad darada Maamulkaasina ay dusha u ridan doonto Dowladda Federalka Somalia.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa khudbadii uu ka jeediyay kowdii luulyo wuxuu sheegay in Puntland ay u diyaarsan tahay difaacida iyo ka hortaga dhul boob kaga soo wajahan maamulka laga dhisay gobolad dhexe.

AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA PUNTLAND.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment